Araweelo: Boqoradii Kun Sano ka Hor Dhaqan Gelisay Sinnaanta Jinsiga

0

Qof kasta oo Soomaali ahi waa uu maqlay qisada haweenayda caan baxday ee Arraweelo oo siyaabo kala duwan looga warramo taariikhdeeda. Inkasta oo sheekooyinka ay Soomaalidu gabadhan ka sheegto iyo deegaankeeda runta ahiba iska hor imanayaan, lagana yaabo in dadka qaar ku doodaan in ay tahay qiso maloawaal ah, haddana midhka muhiimka ahi waa in ay tahay sheeko miisaan iyo murti weyn ku dhex leh hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida.

Waa laga yaabaa in dadka qaar marka ay qormadan akhriyaan is weydiiyaan sababta kalliftay in sheeko Soomaaliyeed oo weliba dhaqanka ku aroorta looga soo xigtay qof shisheeye ah, waxa se laga yaabaa in dadkaasi ay dhaadsanayn muhiimadda ay ummad kasta u leedahay in ay ogaadaan fahamka taariikhda ay dadka aan iyaga ahayn ka qoraan, si ay u bartaan waxa bulshooyinka ka isirka ahi ka aaminsan yihiin, ciddii isu diri kartaana u saxdo wixii qaldan.

Qisadan aynu maanta Googooska Geeska ku soo qaadannay waxaa qortay gabadh u dhalatay dalka Kenya oo lagu magacaabo Indhuta Waaweru oo ah qoraa maqaallo u badan hiddaha iyo dhaqanka dadyowga kala duwan ee Afrika ku faafisay baraha taariikhda iyo xogaha lagu ururiyo ee internet ka.

Haddaba sheekadan oo aynu ka soo xigannay bar lagu magacaabo Face to face Africa oo xarunteedu magaalada New York tahay, kana faalloota arrimaha Afrikaanka, ayaa ay gabadhani ku eegaysaa taariikhda Arraweelo sida ay iyadu u taqaanno ama u maqashay, waxa aanay qoraalkeeda ku bilowday:

“Waxaa taariikhda soo maray dad badan oo kaalinta hore kaga jiray isku dayadii lagu doonayey in lagu yagleelo bulsho leh dhaqan iyo hab nololeed ay ragga iyo dumarku u siman yihiin. Inkasta oo ay arrintani sannadahan dambe uun aad u heshay taageero, waxa ay soo taxnayd taariikh aad u fog oo gaadhaysa illaa sannadkii 15 naad ee taariikhda miilaadiga ah. Waqtigaas oo dhulka Soomaalida ay ka talinaysay boqorad lagu magacaabi jiray Ceebla Cawad laakin caan ku ahayd magaca Arraweelo.

Waxaa la aaminsan yahay in Arraweelo uu dhalay boqor aan taariikhdiisa la helin oo hawlwadeennada iyo shaqaalaha boqortooyadiisu ay dumar keliya ahaayeen. Arraweelo waxa ay ahayd curadda boqorkan, waana halka laga yaabo in ay ka isir raacday talada iyo hoggaaminta ay iyaduna boqoradda ku noqotay. Waqtiyadii ay Araweello gaashaan qaadka noqotay, boqortooyadii aabaheedna duntay waxaa jiray colaado qabiil oo galaaftay nafaha kumannaan ruux.

Arraweelo odaygeedu waxa uu ka mid ahaa raggii colaadahaas ku dhintay, laba carruur ah oo ay dhashayna waxa ay u dhinteen gaajo ay sababtay macalluul waqtigaas dhacday.

Arraweelo oo aad u da’ yarayd baahi badanina haysay ayaa iskaga tagtay qoyskii uu odaygeeda geeriyooday ka dhashay ee ay la deggenayd, waxa aanay abbaartay halkii qoyska ay dhalasho ahaan ka soo jeedaa degaanka u ahaayeen. Nasiib darro qoyska ay ka dhalatay waa ay ka diideen in ay qaabilaan ama xitaa tixgeliyaan, iyada oo sababta keliya ee loo diidayaa ay ahayd in aanay haatan ahay gashaanti inta la guursado yarad fiican laga heli doono ninka guursanaya, maadaama oo gabadha carmalka ah loo arko ruux baas oo aan qoysnimo dambe u qalmin.

Arraweelo oo waayahaa adagi soo waajaheen, ayaa raadsatay haweenkii kale ee ay isku xaaladda ahayaan, waxa aanay wada jir u galeen duurka oo ay ka bilaabeen nolol ugaadhsi ah, si ay jiritaanka noloshooda u sii wadi karaan.

Keynta laftigeeda waa lagaga daba iman jiray oo weerarro joogto ah ayaa ay ku soo qaadi jireen rag. Doonaya in ay nolosha haweenkan rabshad geliyaan.

Arraweelo haweenkii kale ee ay la noolayd waxa ay tustay ragannimo iyo geesinimo badan, waxaana ay u muujisay awood hoggaamineed oo ku duugan. Taas oo keentay in loo doorto hoggaamiyaha kooxda.

Muddo kaddib, kooxdii haweenka carmalka ahi caan ayaa ay ka dhex noqdeen bulshada, tiradooduna waa ay badatay, oo ciidan aad u xoog badan ayaa ay noqdeen, kaddib markii ay ku soo biireen dumar aad u tiro badan oo carmal ahaa iyo qabiilooyinkii laga tirada badnaa ee xad gudubka ka tirsanayey beelaha waaweyn. Gaar ahaan kuwa raadinayey in ay helaan gabbood ay ka galaan kuwa ka awoodda badan, ama in ay garab u helaan dagaalka ay kula jiraan qabiilooyinka kale. Waxa aanay tani sababtay in ciidankeeda ay rag badani ku soo biiraan.

Waa ay sii weynaatay gaashaanbuurtii ay Arraweelo hoggaanka u haysay, oo waxa ay gaadhay heer ay ka mid noqoto quwadaha lagaga xisaabtamo deegaannada Soomaalida. Waxa ay ku caan baxday boqoradda nabadda iyo barwaaqada, kaddib markii ay ku guulaysatay in ay xalliso muranno colaadeed oo qabiilooyinka qaar dhex gashay.

Waxaa la sheegaa in Arraweelo ay xukunkeeda iyo nidaamkeeda maamul u diyaarisay hab ay qabiilooyinka ku dhex geli karto iyada oo samaysatay afar tallaabo oo ay qaaddo mar kasta oo ay laba dhinac nabad ka dhex dhalinayso.

– Dhinacyada is dilaya in ay xidhiidh la samayso, una soo bandhigto qodobbo dhexdhexaadnimo muujinaya oo ay dib ugu heshiisiinayso.

– Haddii qolo ay diiddo in ay aqbasho nabadaynta ay ugu timaaddo, waxa ay siin jirtay diginin.

– Haddii ay mar kale diidaan, digniintaas ah in ay colaadda joojiyaan, waxa ay ku dhawaaqi jirtay in ay dagaal ku qaadayso.

Waxa ay dhistay ciidan aad u awood badan. Waxaa la sheegaa Arrawaweelo marka ay doonayso in ay weerar qaaddo in ay marka hore dhisi jirtay xabsi aad u weyn. Kaddibna ay ku xidhi jirtay odayaasha qabiilooyinka ee diida in ay qaataan nabadda ay u soo jeedisay labada qabiil ee is dilaya.

Warar badan oo dacaayado ah ayaa laga faafiyey Arraweelo. Wararkaas waxaa ugu xiise badnaa kuwo ka dhashay arrin yaab lahayd oo ah in ninka la kulma boqoraddu aanu habeenkaas gurigiisa ku hoyan jirin. Waxaa la sehegaa in ay ragga dhufaani jirtay, taasina ay sababi jirtay in ninku uu ka xishoodo in uu mar dambe jilo ninnimadii oo uu qoyskiisa tago.

Waxaa la sheegaa in Arraweelo markii ay sheeadan maqashay ay go’aansatay in ay ka faa’iidaysato. Waxa aanay dhiirrigelisay in warkaasi uu bulshada oo dhan ku dhex faafo.

Fikirkaas ay bulshada ku dhex faafisay ayaa la aaminsan yahay in uu abuuray cabsi badan oo ay dadku ka qaadaan, waxa uu sida oo kale warkani sababay in wiilashii dhalinyarada ahaa ee Soomaalidu ay diidaan in ay colaadaha qabiilka ka qaybgalaan, iyaga oo ka baqanaya in Arraweelo.

Khiyaamadaasi waxa ay Arraweelo u suurtagelisay in ay nabad ka dhigto dhulkii Soomaalida ee ay joogtay, nabaddaas oo waartay illaa dhimashadeedii.

Arraweelo waxa ay ku dhimatay gacanta nin qab-qable dagaal ahaa oo lagu magacaabi jiray Oday Biiqay. Waxaa la sheegaa in uu Arraweelo dilay mar ay ka qaybgashay aaska mid ka mid ah xubnihii muhiimka ahaa ee xukunkeeda.

Arraweelo oo markii ay dhimatay afartan sano jir ahayd, waxaa ka hadhay sheekooyin xiise badan oo illaa maanta dhiirrigelin iyo niyad dhis u ah hablaha iyo guud ahaan haweenka Soomaalida. Waxa ay u aqoonsadeen in ay tahay calaamadda awoodda. Sidaa awgeed inan kasta oo lagu arko dhiirranaan iyo geesinimo waxaa lagu naanaysaa Arraweelo.

Nasiibdarro dacaayaddaas dhufaaniddu, dhimashadii Arraweelo kaddib waxa ay Soomaalida u noqotay xujo ay adeegsadaan si ay dumarka ugu sawiraan in ay ragga neceb yihiin, iyaga oo uga jeeda in ay ka hor istaagaan fursadaha hoggaamineed ee ay gabadhu heli lahayd.

Deegaanka magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag, ayaa la aaminsan yahay in ay ku taallo xabaasha boqoradda, oo dad badan oo xiisaynayaa ay yimaaddaan. Raggu dhagaxaan ayaa ay k utuuraan dumarkuna ubax ayaa ay qabriga dul saaraan.

Soomaalida qaar waxa ay aaminsan yihiin in Arraweelo aanay ahayn qof jira, sheekadeeduna ay tahay malo-awaal. In lagu murmo waxa keenayaana waa sheekooyinka Soomaalida oo aan qornayn, balse afka uun la isugu gudbiyo.

Source Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here