“Aqoonsiga Somaliland Wuxuu Ku Iman Karaa Wada Hadalka Soomaaliya” Dawladda Ingiriiska

0

Dawladda Ingiriiska ayaa weli ku dhegan mawqifkeeda ah in dalalka gobalka ee Afrika ay horseed ka noqdaan aqoonsiga Somaliland iyo heshiis dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya.

Tifaftiraha wakaalada wararka ee Thomson Reuters Foundation  Belinda Goldsmith oo dhawaan socdaal ku timid Somaliland ayaa diyaarisay warbixin dheer oo xiiso badan oo ay ku soo bandhigtay saamaynta isbedelka cimilada ay ku yeelatay Somaliland.

Warbixinta waxa lagu sheegay baahida ay Somaliland u qabto aqoonsi caalami ah oo ay kaga bixi karto xaaladda dhaqaale iyo nololeed ee ay ku jirto, iyadoo haddii la aqoonsado ay dunida ka heli doonto maalgashi caalami ah oo ka qayb qaadan doona horumarka.

Wasiirka horumarinta deegaanka Marwo shukxi Xaaji Baandare oo Reuters ay la kulantay ayaa sheegtay in isbedelka cimilada laga dareemay Somaliland, waxase ay xustay in dadka reer Somaliland tashadeen, “Waa ummad dhaqaaqday,”ayey tidhi Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shugri Xaaji Bandare oo  xafiiskeeda ugu warrantay Thomson Reuters, waxaanay intaas ku dartay; “Isbeddelka cimiladu dhab ahaan waa laga dareemayaa Somaliland, waana  arrin masiibo ah.”

Guddoomiyaha Hay’adda ka hortagga masiibooyinka iyo Keydka Raashinka Faysal Cali Sheekh, ayaa sheegay in Somaliland

wajahayso  caqabado badan oo ay ka mid yihiin saboolnimo iyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo hooseeya.

“Ma lihin wabiyo iyo meelo kale oo biyaha aanu ku qabsanno, waxay nolashayadu ku tiirsan tahay gabi ahaanba roobka. Mana helo deyn aanu ka soo qaadanno dalalka caalamka,”ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh oo u Warramay Thomson Reuters.

Waxa kaloo Wakaaladdu intaas ku dartay in 50% dadka ku dhaqan magaalooyinka iyo 64% ku nool miyiga Somaliland ay yihiin dad danyar ah.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ah haweenaydii u horreysay ee noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa  sheegtay in nolol dhaqameedkii reer guuraagu ay baaba’day. Marwo Edna Aadan waxay ku dooday in halganka Somaliland ugu jirto aqoonsigu uu muhiim u yahay mustaqbalka dalka. “Marka lagu aqoonsan yahay, dadku way kuu imanayaan si ay kuu maalgashadaan,”ayey tidhi Edna Aadan.

Wakiilka Somaliland ee Ingiriiska Ayaan Maxamuud, ayaa sheegtay in haddii la aqoonsado Somaliland iyo haddii kaleba ay shacabku samaynayaan horumar, “Haddii nala aqoonsado iyo haddii kaleba  waxaannu nahay dal doonaya inuu dadkiisu sameeyo horumar,”ayey tidhi  Ayaan Maxamuud oo tilmaantay inaanay cidina doonayn inay qaado talaabada koowaad.

Xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska, ayaa afhayeen u hadlay oo wakaaladan u waramay wuxuu sheegay in mawqifka Ingiriisku yahay inay Somaliland iyo Soomaaliya iyagu go’aan ka gaadhaan sida uu noqonayo mustaqbalkoodu, “Waxaanu si cad u aaminsanahay inay u taalo Somaliland iyo dawladda federaalka ee Soomaaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda oo ay dalalka jaarka ee gobalkuna hormuud ka noqdaan aqoonsiga isbedel kasta oo yimaada.” Sidaas waxa tidhi haweenay Afhayeen u ah xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska oo wakaaladda Reuters ugu jawaabtay Email.

Ururka Midowga Afrika iyo dawladda Soomaaliya oo ay wakaaladu la xidhiidhay ayaan ka soo jawaabin farriimo ay Reuters u dirtay.

Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here