Amiir Ka Tirsan Imaaraadka Oo Geeriyooday.

0
58

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday Geerida Amiir Sheikh Hamad bin Mohammed Al Qasimi oo ahaa maamulaha Imaarada Sharjah ee dalka Imaaraadka .

Amiirka Geeriyooday waxaa lagu magacaabaa Sheikh Hamad bin Mohammed Al Qasimi ,waxaana geeridiisa ku dhawaaqay Amiirka Imaarada kale ee Ras Al Khaimah,Sheikh Saud bin Saqr Al Qasimi.

Dowladda Imaaraadka waxaa ay sheegtay in Amiirka uu dhintay Axaddii gelinkii dambe,lana aasi doono maanta.

Waxaa ay Dowladdu sheegtay in saddex Maalmood Calanka Imaaraadka hoos loo dhigayo dalkana uu gelayo Baroordiiq Qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here