Allaah Haw Naxariisto Maxamuud Cabdilaahi Xarbi

0

 

Allaah Haw Naxariistee Waxa Saaka Magaaladda Hargeysa Ku Geeriyooday Maxamuud Cabdilaahi Xarbi Oo Ka Mid ahaa Siyaasiyiinta Somaliland.

Waxa Uu Noqday Guddoomiyihii Ugu Horeeyay Ee Magaaladda Balligubadle, Waxa Uu Sidoo Kale Muddo Dheer ahaa Agaasimihii Xarunta Xisbiga Kulmiye.

Markii Uu Taladda Dalka Ku Guulaystay Xisbiga Kulmiye Sanadkii 2010 Waxa Uu Ka Mid Noqday Saraakiisha Sarsare Ee Madaxtooyadda Somaliland iyada Oo loo Magacaabay Agaasimaha shaqaalaha Xarunta Madaxtooyadda.

Markii Uu halkaasi Muddo Dheer joogay Waxa Uu Madaxweynihii Hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Uu U Magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Markii Xilkaasi Laga Qaaday Waxa Uu U Digo Rogtay Dhinaca Xisbiyadda mucaaradka ah Isaga Oo ka hor Doorashadii Madaxtooyadda ee Sanadkii 2017 Ka Mid Noqday ama Ku Biiray Xisbiga waddani.

Maxamuud Cabdilaahi Xarbi Waxa Uu ahaa Siyaasi af Gaaban Oo Cibaado badan, Sidoo Kalena Saaxiib la ah Masjidka.
Dhawrkii Sano ee U Dambeeyay Allaah Haw Naxariistee Marxuumku Waxa Uu U La Tacaalayay Xanuun Ka Asiibay Dhinaca Kelyaha.

Allaah Haw naxariisto Marxuum Maxamuud Cabdilaahi Xarbi Ehelka iyo Asxaabtiisiina Samir Iyo Iimaan Ha Ka Siiyo Aamiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here