Akhriso-Sheeko Siyaasadeed iyo Kaftan Xiiso Badan oo Laga Sameeyay Jeegan-ta Bariga Burco iyo Gabilay ee Xisbiga Kulmiye. W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geedi

0
389

Waa sheeko faneed aad u xiiso badan oo qosol badan. waxaan ka
sameeyay siyasada jeegan-ta ee xisbiga kulmiye . waxayna ka hadlaysaa
labo degaan oo xidid ahaan jiray guur-na dhex-maray lkn hadana kala
dhaqan ah oo isku saluugay xaga wax-bixinta waa bariga burco iyo
gabilay oo kulmiye u dhex-yaalo yarad ahaan.

Nin reer Gabilay ah ayaan fariintan faray. jawaab-na aan ka sugayaa

Walaaloow fariin ayaan ku farayaa. waxaad tag-taa Gabilay iyo reerihii
halkaas yiilay oo fariin-tayda qaad. wa adigii ogaa inaanu gabadh la
yidhaahdo kulmis idin-siinay gu’gii dhawaa  13-nov-2017-kii oo ay
burco noogu yimadeen odayaal iyo ruug-cadaa nagasoo doonay
gabadhayadii Kulmis .

Odayaasha waxaa hogaaminayay Suldaan Xasan Suldaan C/raxmaan oo ahaa
odayga wiilka uu adeerka ruma u yahay uu donaayay gabadhayada Kulmis.

Hadlkiisana wuxuu ku bilaabay sidan.Sul.Xasan  Maantana muraadkayagu waa
inantiina Kulmiye oo  ood  inanka aan adeerka u ahay ee Muuse Biixi
siisaan oo nagula xididaan markii uu odaygu intaa yidhi

Waxaa hadalka qaatay Suldaan C/laahi Suldaan Cali oo gabadha adeer
ruma u ahaa dhawr-jeer oo  horena gabadha u diiday nimanka  aanu
ood-wadaagta
nahay ee reer-oodwayne oo dhawr-jeer qalanjada(codka) soo doonay si ay
noogula xididaan.(Ciro) oo watii Suldaan Cali u diiday ee ku yidhi-
niman-yahoow hablo isasiin maynu lahayn oo watii gu’gii 1960-kii aad
wiilka aan adeerka u ahay ee may-kal maryama inanta aan  idiinka soo doonay
ee aad  u diideen(NUF) xisbigii lix-dankii iyo 2010-kii oo aanu
markale gabadh idinka soo doonay. wa idinkii noo diiday ee ninkii reer
boorama aad siiseen Daahir riyaale kaahin. .

Inantan Kulmis waxay inmadeer-yihiin Maykal iyo siilanyo ee
xilahay-furan waxay dhaari-iga tahay inay-dinaan (naaya) dhihin
.markii
uu odaygu sidaa yidhi ayaa lagu kala kacay oo nimankii reer-odwayne wa
kuwii halkii ka huleelay.

Markii ay reer Gabilay ay naga soo doneen  Gabadhii Kulmis

Sidii dhaqanku ahaa markii reer Gabilay gabadha usoo geed-fadhiistay
waanu soo dhawaynay aradaa-dhigiiina hawraasan iyo hadal gacal-tooyo
ayaanu idinku qaabilnay oo gabdhi waa idinku darnay oo waatii  aad la
aql-gasheen 13-nov-2017-ka .sidii dhaqanka xididku ahaan jiray hibo
fiican iyo gabaati gobi qaadato namay-dinaan siinin .gabadhuna in
badan ayay markii hore idiin doonanayd oo raga badan oo aanu xidid iyo
xigaalba nahay waanu u diidnay.

Gaar ahaan nimanka aanu ood-wadaagta nahay ee reer ood-wayne oo
waxaanu lahayn inantu nimankii reer gabilay ayay u
doonan-tahay ee tolow naga raali ahaada. inanta Kulmis waxaa dhalay
Xaji Axmed siilanyo oo hore xidid idiina- la ahaa oo hooyadeed yarad
fiican ayaanu ka bixinay   oo geel badan ayanu ka bixinay.geela waxaa
kamid ahaa geel caan ka ahaa dhulka aanu dagno. fardo iyo qori . waxa
kamid ahaa yarad-ka aanu bixinay Gu’gii 2010-kii ( wasiirka
waxbarshada,wasiirka maliyada,wasiirka kharaiga.wasiirka xananada
xoolaha.) markii danbe faras gayi-ga caan ka ahaa ayaanu ku
daranay(Maxkamada sare) iyo waliba qori fiican oo colku nagag baqi
lahaa .(Taliyaha Ciidanka Qaranka) . iyo boqol adhi ah (Agasimayaal)

Gu’gii 13-Dec-2017 ee dhawaa ayuu gabadhii inankii
aanu siinay la aqal galay muuse biixi . gabaatigii aad hore u bixiseen
waanu saluug-sanayn oo nama shaafiyiin . yarad fiicna gabadha
kamay-dinaan bixin waxa noo qalmana nomay-dinaan garan .waxad bixiseen
waad og-tihiin oo wax gob la siiyo namaydinaan siinin waxaad bixiseen
awr  iyo 4-sac oo caato taagan ah. 4ta-sac waxay kala yihiin. wasarada
xoolaha.wasarada qoyska.dastuurka macdanta iyo awr-  aanu hore
idiin-siinay oo imnka garbo beelay. wasarada arimaha gudaha

Taas  waxaaba kasii daran . gabadh ayaanu dhawaan idinka soo doonay .
oo labo wiil oo ay gabadha Kulmis wada dhasheen ayaa gabadh idinka soo
doonay . waa Maxamuud xashi iyo Maxamed kaahin ilaa iminkana hadal
gobi ku hasoow-do idin-kama hayno. wiilka aanu hore ula xididnay ee
muuse biixi.markii aanu u  ardaa-dhig-tagnay wuxuu nagu yidhi gabadha
aad iga soo doon-teena wali waa caruur ee mudo isuga.

Iminkana sidaanu warka ku maqalay waxaba gabdhi*(new kulmiye) usoo
golle fadhiistay niman aad ood-wadaag tihiin oo reer boorame ah. ninka
lagu magacaabo axmed ismaciil samatar oo xoolo-badan idiin balan
qaaday .hadalkaasna gorada ayaad u laaladiseen. yeelakadeed reerihii u
war -gee inanu soo socono oo marti-badan oo xidid aad la ahay-deen soo
maqan-yihiin

Labo arin midkood ayaanu gollaha la iman donaa inaad gabadhii nagu
dartaan (kulmiye ). iyo inanu ka gabayno(mucaradad)  arinkaas.
nimanyahoow xidid
fiican ma tihidine

W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geedi

emil.mustafea179@gmail.com

burco somaliland
yaradkii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here