Agaasimaha Maaliyaddu Wuxuu Fashiliyay Silsilad Musuqmaasuq Ah

0

Sidaynu Ognahay Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Mudane Gurxan ayaa u shaqeeya si hagar la’aan ah marwalbana u heelan sidii uu ula dagaalami lahaa Hababka Musuq ee ay adeegsan karaan Shaqaalaha Kastamadda Somaliland isaga oo soo kordhiyay in dhamaan Kastamadda Somaliland ku shaqeeyaan Hab Casri ah oo Electronic ah Habkaas oo uu kula Socon karo heerarka ay marayaan Cashuurta Agabka kala duwan ee Kastamadaas maraa, Kastamka Berbera ayuu Mudadii uu Agaasimuhu Joogay uu ka hirgaliyay habkaas lagu cashuuro laguna Ogaado Cashuurta si Online ah, Hadaba Koontaynarkaas ayaa markii uu ka helay Xog ayaa Agaasimaha Guud si Gaara ula socday isaga oo hadba meesha uu marayo hubinayay, Markii uu soo dhaafay qaybta Hubinta ee Kastamka berbera oo qaabilsan Jeekinka ugu Dambeeya ee Alaabta ayuu Ogaaday inuu qaybtaasna ka Gudbay, Isla markiiba wuxuu la Xidhiidhay Taliyaha Ilaalinta Cashuuraha wuxuuna ku amray inuu si degdega uga hawlgalo Koontaynarkaas oo la saaray Gaadhi Candhe Maydle ah, Ugu dambayn waa lagu guulaystay in gaadhigaas la soo qabto laguna qabto Abdaal laguna celiyay Kastamka Berbera, Marka xaalku halkaas marayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdi Gurxan waxa uu diray Agaasimaha Waaxda Kastamadda si loo soo eego Koontaynarkaas waxa ku jira, waxaana loogu dhex Tagay Moobilo iyo qalab elctronic iyo Sonkorta oo ahayd tiro yar oo lagu qariyay, Ugu dambayn Agaasimaha Guud waxa uu ugu dambayntii Kastamka Berbera loo diray Masuuliyiin Wasaaradda Maaliyadda ah si ay Baadhis sax ugu soo Sameeyaan. Wixii ka soo kordha baadhistaa La Soco………

Jaamac Muxumed Geelle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here