Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Oo Soo Kormeeray Dugsiyadda Ku Yaala Burco

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Md. Axmed Abokor Maxamed iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer ku sameeyay qaar ka tirsan dugsiyada magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.Image may contain: 4 people, people standing and outdoor

Kormeerkan oo daarranaa xogogaal u noqoshada xaaladda waxbarashada dawliga ah ee gobolka Togdheer ayaa waxa uu Agaasimuhu ku maray dugsiyada sare ee Sheekh Bashiir iyo Sheekh Ibraahin iyo dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Yuusuf.Image may contain: 6 people, people smiling, people sitting, people standing and indoor

Agaasime Guud Axmed Abokor Maxamed waxa uu ardayda ugu bushaareeyay in ay WW&S siin doonto buugta fasallada 4aad (Form 4) ee manhajka, isaga oo kula dardaarmay in ay dedaalaan maadaama muddo koobani imtixaannadii ka hadhsan tahay.Image may contain: 2 people, people smiling, people sittingImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, standing, tree, outdoor and nature

Sidoo kale waxa uu Agaasimaha guud kormeeray dugsiga Farsamada gacanta ee magaalada Burco, isaga oo kulan qado ahna la qaatay guddida dugsiga Farsamada gacanta iyo dugsiga Beeraha ee magaalada Beer.Image may contain: 4 people, people standingImage may contain: 4 people, people standing, outdoor and natureImage may contain: 5 people, shoesImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standingImage may contain: 6 people, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people sitting and indoorImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sunglasses, closeup and outdoorImage may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people and indoor

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee WW&S Md. Axmed Abokor waxa uu kulan la qaatay maayarka magaalada Burco, isaga oo kala hadlay olalaha ay WW&S kor ugu qaadayso bilicda dugsiyada, isla markaasna lagaga rarayo dadka iyo meheradaha dhex deggan dugsiyada iyo sidii ay dawladda hoose ee Burco u kordhin lahayd miisaaniyaddeeda waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here