Agaasimaha Baanka Dhexe Oo Tacsi U Diray Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Kayse Xuseen Maxamed

0

Anigoo ku hadlaaya magaca Reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskeyga Amaal Cumar Carte, Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta Marxuum Kayse Xuseen Maxamed oo shalay, 14/12/2018 ku geeriyooday Hargeysa. Waxaan si gaar ah u tacsiyadeynayaa eedaday Caasha Roon Cabi Carwo, iyo ilmaabtiyaday ilma Mahdi Xuseen, iyo Reer Xuseen Maxamed Suldan.Waxaan Marxuumka Alle uga baryayaa inuu u dambi dhaaafo, qabriga u nuuro oo uu u waasiciyo, ehel iyo asxaabna waafajiyo samir iyo duco.

Marxuum Kayse, waxuu ahaa oday ka mid ah duqayda jecel nabadda, wada noolaashaha bulshada, nin caan ku ahaa isku xidhka beelaha Somaliland gaar ahaan kuwa Gobalka Maroodi Jeex degan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here