Afrika: Dawlad Dadkeeda Uga Digtay In Ay Cunaan Kalluun Bakhtiyay Oo Soo Caariday

0

Mas’uuliyiinta Uganda ayaa baadhayaa sababta ka dambeysay dhimashada kalluun badan oo soo caariday harada Victoria.

Wasaaradda kalluunka ee dalka  ayaa shacabka dalkaas uga digtay in aysan cunin kalluunka dhintay ee soo caariyay isla markaana ay duugaan.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay kalluun fara badan oo ay biyaha harada dibadda usoo saareen.

Shacab badan oo kasoo jeedo dalkan ayaa ku tiirsan kalluunka.

Harada Victoria waxay kala qeybisaa waddamada Kenya, Uganda iyo Tanzania.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here