Afghanistan: Wiil Yar Oo Kulan Uu La Yeeshay Messi Khatar ugu jirto Naftiisu

0
110

Murtaza Ahmadi waa wiil yar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Afghanistan, waxaanu sanado ka hor soo xidhay bac liidimaha xulka kubbada cagta ee argentina caanka ku yahay la midab ah, waxaana uu dusha ka qoray magaca Messi iyo numbarkiisa.

sanadkii 2016 ayay u suurto gashay in uu wiilkaasi yari la kulmo ciyaaryahan Messi, hasayeeshee dib ayuu ugu laabtay dalkiisii.

marka dunida laga yimaado Dalkiisa hooyo ayuu caan ka noqday, waxaana qoyskiisu ay sheegeen in ay taasi halis gelisay noloshiisa. iminkana ay ku dhex baro kaceen dalkoodii oo ay ka cabsi qabaan weerar uga yimaada Kooxda Daalibaan.

waxa ay dalbanayaan in gacan loo fidiyo si ay dalkooda ugala baxsadaan nafahooda.

“Aad baan u jecelahay Messi, waxaanan doonayaa in uu iga caawiyo si aan meeshan uga baxo” ayuu yidhi wiilkaasi yari

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here