Afghanistan: Dad Xaflad Aroos Ku Sugnaa Oo Madfac lala beegsaday + Tirada Dadka Dhintay

0

Kooxda Daacish ee dalka Afghanistan ayaa sheegtay mas’uuliyada qarax lala beegsaday aroos ka dhacayay magaalada Kabul ee caasimada dalka Afghanistan, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 63 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 183 kale.

Dadka ku dhaawcmay iyo kuwa ku dhintay arooskan la qarxiyay ayaa u badnaa bulshada loo yaqaano Hazara oo ka mid ah dadka shiicada ah.

Nasrat Rahimi oo ah afhayeen u hadlay wasaarada arimaha gudaha Afghanistan ayaa war uu soo saaray ku xaqiijiyey tirada dadka uu galaaftay qaraxaas.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dumar iyo caruur ay ka mid ahaayeen dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qarax.

Jimciyada Quruumaha Ka Dhaxaysa ayaa weerarka arooskaasi lala beegsaday ku tilmaantay fal argagax leh, oo ka dhan ah shiicada Afghanistan, iyagoo intaasi ku daray inay horey u diiwaan galiyeen dhawr weerar oo dadkan ka dhan ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here