Abiy Oo La Kulmay Madaxweyneyaasha Kenya, Falastiin, Koonfur Afrika iyo xoghaya qaramada Midoobay

0

Ra’isal Wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Ahmed ali oo uu dalkiisu marti gelinayo shirka midawga afrika ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay Madaxweynaha Falastiin, kenya, koonfur afrika iyo Guddoomiyaha Qaramada midoobay.

Madaxweynaha Koonfur afrika Cyril Ramaphosa, Kenyan Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas iyo xoghayaha qaramada midoobay António Guterres ayaa kulamada uu la yeeshay Ra’isal wasaare Abiy waxa ay kaga wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka u dhaxeeya.
Xoghayaha Qaramada midoobay ayaa ku amaanay Ra’isal Wasaare Abiy dedaalka uu ku soo celiyay xidhiidhkii u dhaxeeyay Ethiopia iyo Eritrea.
waxa kale oo uu xusay in uu ka shaqeeyay ra’isal wasaare abiy isku xidhnaanta wadamada geeska afrika ku yaala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here