Abaaro Ka Jira Gobolka Gedo ee Dalka Soomaaliya

0

Abaar ba’an ayaa  xilligan ka taagan dhulka baadiyaha gobolka Gedo ayaa saameysay daaqa, deegaanka iyo dadkaba.

Boqolaal Xoolo dhaqato ah ayaa wajahaya xaalado macluul iyo abaaro darran, ayadoo kaliisha ay hor leedahay.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid gargaar geysey gobolka, ayadoo dhibaatada abaaraha ay ku darmeen isgaarsiinta meelaha qaarkood oo waxyeelo ba’an ay soo gaartey markii Ciidmada Kenya ay beegsadeen dhowr barood oo ah kuwa shirkada Hormuud eek u yaalla deegaanada xuduudda Kenya ku teedsan.

Abaaraha ayaa sidoo kale ka jiran deegaano kale oo ka mid ah Soomaaliya, sida ay dhowaan sheegeen mas’uulyiin ka tirsan Urur Gobboleedka IGAD oo ku shiray Nairobi.

Warbixinta IGAD ayaa lagu sheegay in 2 million oo qof oo ku nool Soomaaliya ay wajahayaan xaalado nololeed oo adag oo abaarta ay horseedday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here