Tahriibeyaal U Dhashay Wadanka Eritrea Oo Ku Dac Daraysan Jid Ku Yaala Paris

0

Xooggii dhalinyaradda ee qaarada afrika ayaa mar keliya u hayaamay dhinaca qaaradda afrika, kuwaas oo sii marayay dalka Libya oo ah marinka isku xidha qaaradaha Yurub iyo afrika.

Tiro guud laguma hayo inta ku dhimatay jidkaasi, hasayeeshee dadkii ugu badnaa ayaa dhintay in aanay gaadhin halka ay beegsanayeen, qaar ayaa dib u soo laabtay dalalkoodii halka kuwo k kuwo kale ay weli ku jiraan xabsiyo ku yaala Libya.

Halkani waa Paris oo caasimad u ah waddanka Faransiiska, waxaana si habaqle ah ugu soo qulqulaya soo galootiga ka soo hayaamaya qaarada afrika iyo wadamada Bariga dhexe ee ay colaaduhu ka jiraan.

Biyo mareen ku yaala dariiqa badhtamaha magaaladda Paris ayaa wax ay hoy u tahay tahriibeyaal u badan wadanka Ku yaala Bariga afrika ee Eretrea.

Waxa uga dhisan cooshado aan qoraxda, barafka iyo roobabka midnaba celinayn.

Qaar ka mid ah tabriibeyaashan oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi

Bal eeg halkani sida ay u tahay wasakhda, halkan ayaanu seexanaa, xitaa xawayaanka ayaan u hoydeen meeshan”

Waxa ay tahriibeyaashan u dhashay wadanka Eritrea ay qawadeen nolosha, waxaanay isku raaceen in aanay jeclayn in ay ku dhintaan halkan ay hadda ku nool yihiin ee ku taala dariiqa magaaladda baariis barbarkeeda.

Si kastaba ha ahaatee in dhaweyd waxa soo yaraanayay tahriibeyaasha ka tagaya qaarada afrika, ka dib markii dalalkii ay u tacabirayeen ay isu wada tilmaameen, wacadna ku mareen in aanay aqbali doonin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here