6 qodob oo aad muhiim ugu ah qof kasta oo dib u dhac la nool!

0

1: Daahirinta nafta:
Qodobkani waa ka ugu muhiimsan dhammaan qodobada qofku horumar bilaa quus ah ku gaadhi karo, haddii Naftaadu la daalaa dhacayso culayso dunuub ah oo aanad iska fududayn, adiga oo u maraya daahirinta nafta oo ay kaw ka tahay toobad keen dhab ahi; waligaa ma noolaan doontid nolol deganaansho ruuxeed Iyo qalbiyeed ku ladhan tahay. Qof kasta oo noloshiisu cidhiidhi ku sugan tahay marka uu Alle (S.W.T) u noqdo waxa uu dareemaa degganaan gudeed, xataa haddii uu dhex muquursan yahay mawjado nololeed oo adag. Joogtee daahirinta nafta waligaana ha ka caajisin.
Inta aad u jirto Alle ee aad waajibaadkiisa ka soo baxdo, ayaa uu badhaadhaha noloshuna kuu jiraa.

2: Xaqiiqada nolosha dhugo: walaw waqtiyada qaar ay tani xanuun badan tahay, dadyawga qaarna xaqiiqada noloshu niyad jab ku tahay, haddana waa lamahuraan arrinkani. Khiyaali iyo dheldheel noloshu maaha, balse waa fursad qaali ah iyo xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah. Ogaanshiyaha xaqiiqada noloshu waxa uu badbaado u yahay Naftaada iyo noloshaada Adduun & Aakhiraba.

3: Ka fogoow hab-fikirka bilaa difaaca ah (Defenseless mindset)

Xaaladdan qofku waxa uu galaa, marka ay noloshiisu ku soo af go’do; wada tabnaan badhax-tiran (Pure Negativity) taas oo ah xaaladda ugu danbaysa ee quusta oo uu qofku aqbalayo inuu isku dhiibo duruufaha dhabta ah iyo kuwa mala’awaalka ahba, kuna qaabilayo hab-fikir bilaa difaac ah oo aan waxba iska caabiyi karin, isaguna uu noqonayo mid iskugu filan col oo iskii isku khaarajiya. Waxa ugu weyn ee lagaga badbaadi karo xaaladani waa; ka fogaanshaha wax kastoo ku niyad jabinaya, rejo abuurashada iyo aqbalaadda xaqiiqada nolosha.

4: Kalsooni: Kalsoonidu waa awood dareen oo xoojisa iimaanka qofka, korna u qaada rejadiisa iyo qiimihiisa shaqsiyeedba. Haddii uu qofku waayo kalsooni, degganaantii nolosha ayaa uu waayay. Rejada iyo dhiirrigelintu   waa tiirarka ugu weyn ee xoojiya kalsoonida.

5: Wax ka baro waayahaaga: haddii aad casharada waayahaagu ku siinayo aanad weelayn, waad khasaartaye ogoow. Wax ka baro khaladaadkaaga oo dib isku sax, haddii kale hal khalad oo aanad waxba ka baran ayaa aad abidkaa dabar ugu xidhnaan doontaa, oo kugu soo laaban doona mar walba!

6: Ka adkaw caadifaddaada/laab-lakacaaga: Waan dareemi karaa in dareenka ugu  awoodda badan ee aadmiga xukuma qalbigiisa iyo maskaxdiisu ay tahay caadifadda. Qofba qofka uu ka caadifisan yahay, wuu ka dib dhacsan yahay; kana khaladaad badan yahay. Tanna waxa sabab u ah,  laab-lakacyada ku salaysan; xaaladaha iyo waqtiyada ku meel gaadhka ah ee aan waarayn, taas oo sababaysa in aanu qofku waxba ka baran khaladaadkiisa, balse uu addoon u ahaado hadba xaaladda uu ku sugan yahay.

W/Q: Xamse Tudhaale
Mobile: 0634410163

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here