38 Qof Oo Ku Dhintay Shil Baabuur Oo Waqooyiga Ethiopia Ka Dhacay + Rakaabka Oo Arday U Badnaa

0
433

Inta la og yahay 38 qof ayaa dhintay ka dib markii bas ay saarnaayeen uu kula dhacay Waqooyiga Dalka Itoobiya.

warkan oo ay baahisay Idaacada Fana ee dalkaasi, ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in baabuurku uu rakaabka uu siday kala baxay, wadada sidaasna uu ku galay shil khatar badan.

“Dhimashadu guud ahaan waa 38 qof, 28 ka mid ahi waa rag, halka ay 10 qofna ka yihiin haween, waxaana dhamaantoodba ay ku dhinteen isla goobta uu shilku ka dhacay” sidaas waxa ku warantay idaacada Fana oo uu fadhigeedu yahay Magaaladda Addis Ababa.

Degmada Legambo oo ku taala deegaanka Amxaarada ee wadanka Itoobiya oo uu shilkaasi ka dhacay maamulkeeda oo hadlay ayaa sheegay in dad ku dhaw 10 qof ay ka badbaadeen shilkaasi, kuwaas oo qaba dhaawacyo kala duwan.

dadka dhaawaca ah ayaa waxa ku jira kuwo uu dhaawacoodu halis badan yahay, waxaana loola carary cusbitaalka, halkaas oo lagu dabiibayo.

dadkan baska saarnaa ee ay qaarkood dhinteen, kuwo kalena dhaawacyadu soo gaadheen ayaa u badnaa ardayda Jaamacadaha kaga jirta gobolka axmaaradda ee wadankaasi.

si dhab ah looma cadaynin sababta keliftay in uu baskaasi rakaabka siday uu ka soo dhaco buurtii uu dul marayay.

Sagalnews1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here