23 Caruur Ah Oo Dhimatay Markii Uu Dab Qabsaday Malcamadii Qur’aan Ay Ku Jireen

0

Ugu yaraan 23 carruur ah ayaa ku geeriyootay dab ka kacay dugsi Qur’aan oo ku yaalla duleedka caasimadda Liberia ee Monrovia.

Carruurta waxay jiifeen dhismo ku ag yaalla misaajid markii uu dabka kacay subaxnimadii saaka.

Booliska ayaa BBC u sheegay in saraakiisha gurmadka deg deg ah ay raadiyaan meydad kale.

Madaxweynaha Liberia, George Weah oo booqday dugsiga uu dabka ka kacay ayaa tacsi u diray ehelada carruurta ku dhimatay dabka.

Saraakiisha in carruurta Qur’aanka ka dhiganeysay dugsiga ay da’ddoodu u dhexeeysay 10 ilaa 20 jir.

Afahayeen u hadlay booliska Liberia oo lagu magacaabo Moses Carter ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dabka uu ka dhashay cilad ku timid korontada balse ay weli wadaan baadhitaanno ku aadan arrintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here