Ciyaaraha Gobolada: Xulal Loo Han Weynaa Oo La Caraabiyay, Kuwo Loo Baqayay Oo Is Muujiyay iyo Xiisaha Kulamada Berri

0

Ciyaaro aad u xiiso badan ayaa galabta garoomada Boorama Iyo burco dhex maray xulalka Awdal, Buuhoodle, Daad Madheedh iyo xaysimo.

calan
Ciyaarta hore oo dhex martay labada xul ee Buuhoodle iyo Awdal ayaa waxa ay 90kii daqiiqo ee ciyaarta isla dhaafi waayeen barbaro 1-1 ah, Waxaanay ciyaartu ahayd mid aad u xiiso badan oo ay labada xul si weyn ugus oo diyaar garoobeen.

Dhinaca kale labada xul ee xaysimo iyo Daad Madheedh ayaa iyaguna barbaro 1-1 ah wada galay, waxaana cirka isku sii shareeraya xiisaha ciyaaraha gobolada.

Hadii alle idmo Maalinta berri waxa ay garoonka kubada cagta ee Boorama ciyaari ay ku dhex mari doontaa labada Gobol ee Hawd iyo Hargeysa oo ku wada jira guruubka koowaad.
Sagalnews/office
Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here